HomeCaalamkaMareykanka iyo Q/Midoobay oo War kasoo saaray xaaladda Cakiran ee Kazakhstan

Mareykanka iyo Q/Midoobay oo War kasoo saaray xaaladda Cakiran ee Kazakhstan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Qaramada Midoobay iyo Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dalka Kazakhstan inay xakameeyaan wax ka qabashada mudaharaado rabshado wata oo ka socda dalkaas, kadib markii dowladda Kazakhstan ku dhawaaqday xaallad deg deg ah. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyadu in ay is xakameeyaan, kana fogaadaan rabshadaha […]

- Advertisement -

Qaramada Midoobay iyo Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dalka Kazakhstan inay xakameeyaan wax ka qabashada mudaharaado rabshado wata oo ka socda dalkaas, kadib markii dowladda Kazakhstan ku dhawaaqday xaallad deg deg ah.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyadu in ay is xakameeyaan, kana fogaadaan rabshadaha oo ay horumariyaan wadahadalka.

- Advertisement -

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanku uu taageerayo “baaqyada deganaansho” waxayna sheegtay in mudaaharaadayaashu ay awood u yeeshaan inay si nabad ah isu muujiyaan, iyadoo ku boorisay mas’uuliyiinta “in ay dhankooda is xakameeyaan.

Maamulka dalka Kazakhstan ayaa jaray internet-ka iyo taleefoonnada gacanta ee dalka oo dhan, waxaana ay horay ugu dhawaaqeen xaallad degdeg ah oo ka jirta xudunta isu soo baxyada oo ah caasimadda dhaqaalaha  Almaty iyo gobolka Mangystau, mudaharaadkan ayaa ka dhashay ka dib markii sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka.

Latest stories