HomeCaalamkaNin lagu eedeeyay inuu bahdil ku waday Gabdho Muslimiin ah oo xabsiga...

Nin lagu eedeeyay inuu bahdil ku waday Gabdho Muslimiin ah oo xabsiga la dhigay

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Booliiska dalka India ayaa xiray wiil 21 jir ah oo lala xiriirinayo barnaamij ku shaqeeyo taleefoonnada casriga ahi oo lagu faafiyay sawirrada in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah oo la sheegay in ay ” yihiin iib”. Wiilkani ayaa ah arday jaamacad ka dhigta culuunta injineernimada, kaasi oo ka soo jeeda koonfurta magaalada Bangalore […]

- Advertisement -

Booliiska dalka India ayaa xiray wiil 21 jir ah oo lala xiriirinayo barnaamij ku shaqeeyo taleefoonnada casriga ahi oo lagu faafiyay sawirrada in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah oo la sheegay in ay ” yihiin iib”.

Wiilkani ayaa ah arday jaamacad ka dhigta culuunta injineernimada, kaasi oo ka soo jeeda koonfurta magaalada Bangalore balse wali lama shaacin magaciisa rasmiga ahi.

- Advertisement -

Ilaa iyo haatan ma cadda dambiyada lagu soo oogay balse booliska ayaa BBC-da u sheegay in wiilkani lala xiriirinayo barnaamijkaasi lagu faafiyay sawirrada gabdhaha Muslimiinta ahi ee la sheegay in la iibinayo ay yihiin xaraash.

Arrintani ayaa noqoneysa isku daygii labaad ee lagu dhibaataynayo dumarka Muslimiinta ahi ee dalkaasi India oo sawirradooda lagu faafiyay intarneedka iyada oo la sheegaya in la xaraashayo.

Bishii Luuliyo ee sanadkii tegay, app iyo website lagu magacaabo “Sulli Deals” ayaa abuuray cinwaannada in ka badan 80 gabdhood oo Muslimiin ah – iyaga oo la isticmaalayo sawiro la soo galiyay intarneedka isla markaana la beecinayo- waxayna la sheegay in ay yihiin kuwo lagu xaraashayo qiimo aad u jaban.

Latest stories