HomeWararFeysal Cali Waraabe oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Muuse...

Feysal Cali Waraabe oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Muuse Biixi

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa wuxuu eedeymo dhowr ah u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. “Madaxweyne Muuse Biixi saad ogtihiin doorashadii uu ku yimid waxay ahayd mid Somaliland kala qeybisay, oo qabiil ku kala qeybisay, muran baa ka dhashay, alxamdulillaah annaga ayaa soo afjarnay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa wuxuu eedeymo dhowr ah u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

“Madaxweyne Muuse Biixi saad ogtihiin doorashadii uu ku yimid waxay ahayd mid Somaliland kala qeybisay, oo qabiil ku kala qeybisay, muran baa ka dhashay, alxamdulillaah annaga ayaa soo afjarnay oo waxaan oggolaannay doorashada si kasta ha ahaatee, intaan danta qaranka eegnay,” ayuu yiri Muuse.

- Advertisement -

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta gudaha la hadlaayay ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi inuu Somaliland u horseeday xaalad qalalaaso ah.

“Markii ugu horreysayba Madaxweyne Muuse wuxuu ina geliyay dagaal Tukaraq oo aan laga tashan, oo reer yaroo meel fadhiya nala simay, Somaliland iyo Puntland baa dagaallamaya ceeb bay nagu ahay, intaa kaddibna wuxuu ina geliyay murankii Caarre oo jiitamay oo mararka qaarkood oo waxyaalihii aan ku wada hadalnay sheegi lahaa ama soo qori aysan Somaliland maanta wada fadhideen,”

Feysal oo arrimo dhowr ah ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in madaxweynuhu bilaabay qabyaalad sidaas darteedna ay ka tashanayaan madaxtinnimadiisa.

- Advertisement -

“Dastuurka haddii aad ilaalin weydo waxaan ballan ku qadayaa in aanad hal habeen madax weyne sii ahaan doonin.” Ayuu intaas raaciyay Feysal Waraabe.

Latest stories