HomeWararCiidanka Booliska iyo koox Burcad ah oo Israsaaseyn ku dhexmartay Muqdisho

Ciidanka Booliska iyo koox Burcad ah oo Israsaaseyn ku dhexmartay Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Booliska Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa xalay xaafaddo ka tirsan degmadaas ka fuliyay howlgalo lagula dagaalamayo kooxaha burcada ee dhaca u geystay dadka deegaanka degmada iyo Ciyaal weerada dhibaatada wada. Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa waxaa ay iska horimaad kooban uu Kaaraan ku dhexmaray Ciidanka Booliska dowladda iyo koox hubeysan oo […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa xalay xaafaddo ka tirsan degmadaas ka fuliyay howlgalo lagula dagaalamayo kooxaha burcada ee dhaca u geystay dadka deegaanka degmada iyo Ciyaal weerada dhibaatada wada.

Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa waxaa ay iska horimaad kooban uu Kaaraan ku dhexmaray Ciidanka Booliska dowladda iyo koox hubeysan oo burcad ah, kuwaasi oo dhac u gaysanayey xiliga Israsaaseynta dhaceysay dad shacab ah.

- Advertisement -

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Ciidanka ammaanka ay toogasho ku dilay mid kamid ah kooxdii burcada aheyd, waxaana sidoo kalen uu dhac fudud soo gaaray Taliye ku-xigeenka Booliska degmada Kaaraan Daa’uud Dalmar.

Ciidanka Booliska ee howlgalka waday ayaa gacanta kusoo dhigay koox Ciyaal weero oo dhibaato ku haaya dadka shacabka ah ee degmada, kuwaasi oo ku hubeysan Mindiyo iyo waxyaabo kale oo dadka dhibaato loogu geysan karo, iyadoona kuwa la qabtay la xiray.

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey kooxo burcad ah oo dadka ka qaatay Moobeelada gacanta iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ay wataan, halka sidoo kalena degmadaas ay ka jiraan kooxo dhalinyaro Ciyaal weero ah oo dadka ay cabasho ka muujiyeen.

Latest stories