HomeWararSomaliland oo si kulul uga hadashay Qoraal ay baahisay Qaramada Midoobay

Somaliland oo si kulul uga hadashay Qoraal ay baahisay Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Caruurta ee UNICEF ayaa Qoraal ay ku daabacday boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in Magaalada Boorama ay tahay Magaalo ku taalla Soomaaliya, hayeeshee waxaa Warkaas UNICEF si kulul uga hadashay Somaliland. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa ay ku sheegtay in Qoraalka UNICEF ee baahisay kuna sheegay in […]

- Advertisement -

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Caruurta ee UNICEF ayaa Qoraal ay ku daabacday boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in Magaalada Boorama ay tahay Magaalo ku taalla Soomaaliya, hayeeshee waxaa Warkaas UNICEF si kulul uga hadashay Somaliland.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa ay ku sheegtay in Qoraalka UNICEF ee baahisay kuna sheegay in Boorama ay kamid tahay Soomaaliya uu yahay mid ka hor imaanayo wada shaqeynta QM iyo Somaliland.

- Advertisement -

Hay’adda Caruurta ee UNICEF ayaa Qoraalkan ay daabacday uga hadleysay Bulshada kunool Boorama oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19, iyadoo Boorama u nisbaysay Magaalo ku taalla Soomaaliya.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in hadalka UNICEF uu meesho ka saarayo kalsoonida ay ku qabeen, isla markaana aysan aqbi karin arrintaas, iyagoona ku hanjabay in hay’addaas oo kala dhexeeysa ay tallaabo ka qaadi doonaan.

“Qoraalka  hay’adda ay UNICEF ka qortay ololaha COVID19, ee ay Boorama u nisbaysay Soomaaliya waxa ay ka hor imanaysaa qaabka wada shaqayneed ee ka dhexeeya QM iyo Somaliland, waxa ay meesha ka saaraysaa kalsoonida, waana wax aan la aqbali karin!” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibada.

- Advertisement -

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Caruurta ee UNICEF ayaa markii dambe ka saartay boggeeda Twitter-ka Qoraalka ay baahisay, kadib hanjabaada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ee aheyd inay UNICEF ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Latest stories