HomeWararPuntland oo sheegtay in la bedelay Tuutahii ay xiran jireen Ciidanka PSF...

Puntland oo sheegtay in la bedelay Tuutahii ay xiran jireen Ciidanka PSF iyo sababta

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr ayaa shaaca ka qaaday in deriiska Ciidanka Hay’adda PSF ee tuutaha uu ka bedelay Ciidamadaas, isagoo ka hadlay sababta keentay arrintaas. Agaasime Amiin Kheyr oo khudbad u jeedinayay Ciidamo ku sugan Saldhig ku yaalla buuradeyda Galgala ee Gobolka Bari ayaa sheegay inuu bedelay Tuutihii dharka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr ayaa shaaca ka qaaday in deriiska Ciidanka Hay’adda PSF ee tuutaha uu ka bedelay Ciidamadaas, isagoo ka hadlay sababta keentay arrintaas.

Agaasime Amiin Kheyr oo khudbad u jeedinayay Ciidamo ku sugan Saldhig ku yaalla buuradeyda Galgala ee Gobolka Bari ayaa sheegay inuu bedelay Tuutihii dharka ahaa ee horey u xiran jireen PSF oo dagaal kula jira kooxaha kasoo horjeeda Puntland.

- Advertisement -

Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr ayaa sababta uu u bedelay Tuutaha ku sheegay inuu faraha ka baxay, isla markaana uu gacanta u galay wax uu ugu yeeray cadowga, sidaas darteedna la beddelay.

Ma caddeyn cadowga uu S/Guuto Amiin Kheyr tilmaamay inuu gacanta u galay Tuutihii Ciidanka PSF, in kastoo uu xusay in Ciidankii iyo Cadowgii la kala garan waayay, waa sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF.

Agaasime S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaan weli si rasmi ah ula wareegin xilka Taliska hay’adda, waxaana xilkaas diiday inuu wareejiyo Agaasimihii hore ee PSF ee Maxamuud Cismaan Diyaano.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts