HomeWararDad ka Careysan Darawal Muqdisho loogu dilay Nus Dollar oo dhigay Banaanbax...

Dad ka Careysan Darawal Muqdisho loogu dilay Nus Dollar oo dhigay Banaanbax xoogan

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ilaalada Waddooyinka ee taraafikada ayaa duhurnimadii Maanta Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Dabka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga iyo Darawalka Mooto Bajaaj uu soo kala dhex-galay muran kooban oo la xiriira lacag Nus Dollar, kadibna uu Askariga rasaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ilaalada Waddooyinka ee taraafikada ayaa duhurnimadii Maanta Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Dabka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga iyo Darawalka Mooto Bajaaj uu soo kala dhex-galay muran kooban oo la xiriira lacag Nus Dollar, kadibna uu Askariga rasaas si bareer ah ugu furay Darawalkii waday Mooto Bajaajta, isagoona goobta uu dhintay.

- Advertisement -

Falka kadib ayaa waxaa Isgoyska dabka ka bilowday banaanbax rabashado watay oo ay dhigeen boqolaal dhalinyaro oo u badnaa Darawalo Mooto Bajaaj, iyagoona Isgoyska ku xiray Mootiiyin, sdioo kalena diidayey in halkaasi gaadiid maraan.

Qaar kamid ah dhalinyarada ayaa waxaa mararka qaarkood dhagxaan ku tuurayeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa meel ku dhow Dabka iyo gaadiidka ay wateen ee halkaasi kasoo dhawaaday, waxaana ay Ciidanka kor u ridayeen rasaas.

Dhalinyarada ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Ciidanka dowladda, isla markaana ay ku eedeeyeen in si micno daro ah u dilaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxa ayna ku baaqeen in Askariga dilkan geestay lasoo qabto lana horgeeyo Cadaalada.

Latest stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

As Justin Davis Leaves Mogadishu, Washington Is Asking a Different Question About Somalia

As Justin Davis concludes his tenure as Chargé d’Affaires...

No posts to display