HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble “Waxaa jira Dad isku dayaya in ay Carqaladeeyan Doorashada”

Ra’iisul Wasaare Rooble “Waxaa jira Dad isku dayaya in ay Carqaladeeyan Doorashada”

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya haddii ay dhici weydo uu dalka ka galayo xaalad mugdi ah, ayna dadka ku adkaaneyso noloshada caadiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dib u dhaca ku yimid doorashada uu hoos u dhac weyn u keenay Ganacsiga dalka, isla markaana ay istaageen dhammaan lacagihii dowladda Federaalka lagu taageeri jiray, sababo la xiriira is jiid-jiidka ka jira doorashada.

Rooble ayaa Carabka ku dhuftay inay jiraan dad carqalad ku haayo doorashada dalka ka dhaceysa oo ay ka shaqeynaya Ajendooyin kale, ayna ku doonayaan inay jiidaan ama ay hakiyaan doorashada Soomaaliya, isla markaana dano kale  ka dhex raadinaya.

“Meesha loo socdo waa doorashada in la carqaladeeyo, cadaaladda waa ay naga go’an tahay hufnaanta doorashada waa muhiim cid kasta oo caqabad u aragta cadaalada aan wadno, iskuna daydo inay xumeyso doorashada kama yeeleyno”ayuu yiri Rooble oo aan sheegin cida carqalada ku heyso doorashada.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayuu sheegay in Isniinta soo socota uu Magaalada Muqdisho ka furmayo Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadli doono dardar-gelinta iyo sixida hannaanka doorashada.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay kulankii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka iyo diyaargarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories