HomeWararGuddiga Doorashooyinka heer Federaal oo beeniyey inay joojiyeen Doorashada dalka

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo beeniyey inay joojiyeen Doorashada dalka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa dhowr daqiiqo kahor baraha Bulshada lagu faafiyey Warqad lagu sheegay inay kasoo baxday Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa heer dowlad Goboleed laguna joojiyay doorashooyinka dalka. Hayeeshee Qoraal kooban oo lagu soo daabacay Bogga Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa been abuur lagu tilmaamay warqadan lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegayo in Guddiga […]

- Advertisement -

Waxaa dhowr daqiiqo kahor baraha Bulshada lagu faafiyey Warqad lagu sheegay inay kasoo baxday Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa heer dowlad Goboleed laguna joojiyay doorashooyinka dalka.

Hayeeshee Qoraal kooban oo lagu soo daabacay Bogga Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa been abuur lagu tilmaamay warqadan lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegayo in Guddiga FEIT iyo SEIT ay hakiyeen doorashada.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Bulshada Soomaaliyeed u caddeeyay in aysan qayb ka ahayn warqadan oo dhawaan baraha bulshada lagu faafiyay,  ayna wax shaqo ah aysan ku lahayn.

Warqada la beeniyey ayaa waxaa ku qornaa in Guddiyada doorashoyinka heer Maamul goboleed (SEIT) iyo heer Federaal (FEIT) ay dacwo u gudbiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Warqada ayaa lagu sheegay in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay Guddiga xalinta khilaafaadka, isla markaasa waxay shaqeeyeen in loo geystay tacadiyo ka dhan ah amnigooda.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Warqada la beeniyey.

Latest stories