HomeWararMadaxweynaha Puntland oo Maanta kusii jeeda Magaalada Baydhabo iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Puntland oo Maanta kusii jeeda Magaalada Baydhabo iyo ujeedkiisa

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ujeedka safarka Madaxweyne Saciid Deni ee Baydhabo ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Munaasabadda sanad-guurada 3-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedka safarka Madaxweyne Saciid Deni ee Baydhabo ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Munaasabadda sanad-guurada 3-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-garteen.

- Advertisement -

Madaxweyne Deni ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweyne Lafta-gareen iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaaladaas oo isna uga qeyb galo Munaasabadda.

Madaxda ayaa ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda abaaraha baahsan ee ka jira dalka iyo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo qaabka ay ku socoto laga muujiyey walaac.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana Magaaladaas Maanta tegaya wufuud kala duwan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dowladda Federaalka, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda sanad-guurada 3-aad ee markii la doortay Madaxweyne Lafta-gareen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts