HomeWararDoorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyey in Maanta la qabanayo doorashada Afar kursi oo kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi ee Golaha Shacabka, […]

- Advertisement -

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyey in Maanta la qabanayo doorashada Afar kursi oo kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi ee Golaha Shacabka, waxaana dhawaan Guddiga uu soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta tartamaya.

- Advertisement -

Kuraasta doorashadooda qabanayo ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin HOP#262 oo ay ku fadhiday Fowsiya Yuusuf Xaaji, kursiga HOP#229 uu ku fadhiyey Cabdullaahi Cismaan Ducaalle, kursiga HOP#254 uu ku fadhiye Jaamac Maxamed Askar iyo kursiga HOP#255 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Maxamuud Maxamed.

Doorashada kuraastaan oo saacadaha soo socda ee Maanta dhaceysa ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer Federaal iyo xubno kale oo ay Guddiga doorashada u diiwaan-geliyeen qaab korjoogteyn ah.

Shalay ayaa lagu waday inay Muqdisho ka dhacdo doorashada kuraastaan, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jrtay, waxaana la filayaa in doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka mar kale dib uga bilaabato Muqdisho.

Latest stories