HomeCaalamkaRuushka oo Dalbaday in la xaddido dhaq-dhaqaayo ay wadaan Isbaheysiga NATO

Ruushka oo Dalbaday in la xaddido dhaq-dhaqaayo ay wadaan Isbaheysiga NATO

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ruushka ayaa dalbaday in la xaddido dhaqdhaqaaqa isbahaysiga militariga NATO ee uu Mareykanku horkacayo ay ka wadaan dalalka ku yaalla Bariga Yurub. Dalabaadyada, oo ay u badan tahay inaan laga oggolaan, ayaa ku soo aadaya xilli dalalka Galbeedka ay ka baqayaan in Ruushku uu qorsheynayo duullaan uu ku qaado deriskiisa Ukraine. Ruushka ayaa arrintan beeniyay, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ruushka ayaa dalbaday in la xaddido dhaqdhaqaaqa isbahaysiga militariga NATO ee uu Mareykanku horkacayo ay ka wadaan dalalka ku yaalla Bariga Yurub.

Dalabaadyada, oo ay u badan tahay inaan laga oggolaan, ayaa ku soo aadaya xilli dalalka Galbeedka ay ka baqayaan in Ruushku uu qorsheynayo duullaan uu ku qaado deriskiisa Ukraine.

- Advertisement -

Ruushka ayaa arrintan beeniyay, balse wuxuu doonayaa in Nato ay isbahaysigeeda ka hor istaagto Ukraine iyo dalalka kaleba. Wuxuu sidoo kale codsaday wada hadallo deg deg ah oo uu la yeesho Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu u furan yahay wada hadal balse uu sidoo kale miiska soo saarayo dalabaadkiisa.

“Waxaynu Ruushka kala xaajooneynay arrimaha ammaanka Yurub 20-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri La Taliyaha Ammaanka Qaranka Jake Sullivan. “Taasi mararka qaar horumar ayaa laga gaaray, mararka qaarna way dhicisoobeen, balse waanu u diyaarsannahay wada hadal.”

- Advertisement -

Nato, oo markii hore loo aasaasay inay Yurub ka difaacdo khataraha suurtogalka ah ee uga imaan karay Midowgii Soofiyeetka, ayaa ciidamo waxay ka joogaan jamhuuriyadaha Baltic iyo Poland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts