HomeCaalamkaTalyaaniga iyo Liibiya oo wada hadal gaar ah ka yeeshay Arrimo dhowr...

Talyaaniga iyo Liibiya oo wada hadal gaar ah ka yeeshay Arrimo dhowr ah

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga iyo dhiggiisa Liibiya ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhexeeya dalalkooda kulan ka dhacay magaalada Rome, sida ay ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga. Luigi Di Maio Wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga iyo Najla Al-Mangoush wasiirka arrimaha dibedda Liibiya ayaa ka wada xaajooday xiriirka laba geesoodka ah waxayna muujiyeen rabitaankooda ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga iyo dhiggiisa Liibiya ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhexeeya dalalkooda kulan ka dhacay magaalada Rome, sida ay ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga.

Luigi Di Maio Wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga iyo Najla Al-Mangoush wasiirka arrimaha dibedda Liibiya ayaa ka wada xaajooday xiriirka laba geesoodka ah waxayna muujiyeen rabitaankooda ah inay sii wadaan xoojinta iskaashiga, iyagoo dib u eegis ku samayn doona dhinacyada ugu muhiimsan ee iskaashiga labada dhinac.

- Advertisement -

Di Maio Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa ku celceliyay sida ay Talyaaniga uga go’an tahay xasilinta dalka Liibiya, waxa uuna tilmaamay muhiimada ay leedahay in lasoo gaba gabeeyo hanaanka doorashada iyo sidoo kale ka bixitaanka dhamaan dagaalyahanada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha.

Wuxuu kula taliyay dhammaan dhinacyada Liibiya inay xaqiijiyaan wada-shaqeyn wax ku ool ah oo ay la yeeshaan Stephanie Williams, ku-xigeenka madaxa cusub ee Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL).

Liibiya ayaa waxaa hareeyay dagaallo sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts