HomeWararAxmed Madoobe iyo Cabdicaiis Lafta-gareen oo War kasoo saaray shirarkii Kismaayo

Axmed Madoobe iyo Cabdicaiis Lafta-gareen oo War kasoo saaray shirarkii Kismaayo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay shirar looga hadlay Arrimo dhowr ah ku yeeshay Magaalada Kismaayo. War-saxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada Madaxweyne Goboleed ay ka shireen […]

- Advertisement -

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay shirar looga hadlay Arrimo dhowr ah ku yeeshay Magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada Madaxweyne Goboleed ay ka shireen Arrimaha Amniga, horumarinta, dhaqaalaha, Ganacsiga, xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa labada dhinac iyo dardar-gelinta doorashooyinka.

- Advertisement -

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa walaac ka muujiyey abaaraha baahsan ee ka jira dalka gaar ahaan deegaanada labada maamul, iyagoona ku baaqay in gurmad Deg-deg ah lala gaaro shacabka ay abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa isla gartay in la iska kaashado guud ahaan amniga deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland,  xasilloonida, la-dagaalanka Al-shabaab iyo isweydaarsiga xogaha amniga labada dhinac.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa isla garwaaqsaday in qabsoomida iyo dardar-gelinta dhameystirka doorasho hufnaan ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Latest stories