HomeWararWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Shil ku galay Gobolka Sool

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Shil ku galay Gobolka Sool

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil khasaaro dhaliyay oo ay wax yeello kasoo gaartay Askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, kaasi ka dhacay inta u dhaxeeysa Laascanood iyo Xudun ee gobolka Sool. Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Shilku uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dahceen Labo gaari, oo mid ka mid ah […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil khasaaro dhaliyay oo ay wax yeello kasoo gaartay Askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, kaasi ka dhacay inta u dhaxeeysa Laascanood iyo Xudun ee gobolka Sool.

Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Shilku uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dahceen Labo gaari, oo mid ka mid ah uu la socday Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, waxaana bur-bur xooggan uu gaaray labada gaari.

- Advertisement -

Gaariga Wasiirku la socday ayaa ku dhacay Gaari kale oo ay saarnaayeen Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno RRU, waxaana wararku intaa ku darayaan in waxyeello dhaawacyo ah ay soo gaartay Askarta.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in aysan wax khasaaro ah soo gaarin,marka laga tago burburka Gaariga, iyadoo dhaawacyo fudud ay soo gaareen Askarta Booliska ah.

Degaanada Gobolka Sool ayaa waxaa inta badan ka dhaca Shilalka noocaas oo kale ah, iyadoo horay dad badani ay dhimasho iyo dhaawacyo ay kasoo gaareen shilal dhowr ah oo ka dhacay Gobolkaasi.

Latest stories