HomeWararMaxaa looga hadlay Kulan dhexmaray Axmed Madoobe iyo Cabdicaiis Lafta-gareen?

Maxaa looga hadlay Kulan dhexmaray Axmed Madoobe iyo Cabdicaiis Lafta-gareen?

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Kulanka labada Madaxweyne maamul Goboleed ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga, siyaasadda, Ganacsiga iyo Doorashada dalka gaar ahaan tan Golaha Shacabka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Kulanka labada Madaxweyne maamul Goboleed ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga, siyaasadda, Ganacsiga iyo Doorashada dalka gaar ahaan tan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa maamulada iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha ka jira deegaannada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee saameeynta ku yeelatay kummanaan qoys.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Madaxweyaha Jubbaland uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee shacabka Maamulka iyo Mas’uuliyiin u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka dhexmaray labada Madaxweyne Lafta-gareen iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

- Advertisement -

Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ayaa yeelan doona kulamo kale oo gaar ah oo ay uga wada hadli doonaan Arrimaha doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, iyagoona is dhaafsanaya dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo taalla Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Latest stories