HomeWararMareykanka oo Dalab Deg-deg ah u diray Madaxda Maamul Goboleedyada

Mareykanka oo Dalab Deg-deg ah u diray Madaxda Maamul Goboleedyada

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya oo dhowr mar dib u dhac uu ku yimid, iyada oo la qabtay oo kaliya haatan doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay bilaabay tan Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Madaxda maamul Goboleedyada sida Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug loogu booriyey inay ka foggaadaan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada dalka.

- Advertisement -

Mareykanka ayaa Madaxda maamulada ka dalbaday in si deg-deg ah u soo gabagabeeyaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isla markaana doorashada noqoto mid lagu kalsoonaan karo, hufan oo loo dhan yahay.

“Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya”ayaa lagu yiri Qoraal lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ku leedahay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa ka bilaabatay Muqdisho, maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana la doortay 24 Xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad, iyadoona ay jiraan kuraas doorashadooda muran badan uu ka jiro.

- Advertisement -

Maamulada Hirshabeelle, Puntland iyo Jubbaland ayaan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka, wallow Jubbaland ay soo saartay oo kaliya Liiska 14-ka kursi ee ugu horreeysa doorashada Golaha,  iyagoo sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabayaan doorashada.

Latest stories