HomeWararHowlgal lagu burburiyey dhismooyin oo laga fuliyey Degmo ka tirsan G/Banaadir

Howlgal lagu burburiyey dhismooyin oo laga fuliyey Degmo ka tirsan G/Banaadir

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa habeenimadii xalay aheyd howlgal lagu bur-burinaayay dhismooyin si sharci darro ah loo dhistay Waddooyinka waaweyn ee degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ka fuliyey degmadaas. Howlgalka burburinta ayaa waxaa hoggaaminaayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish, waxaana la arkayey iyada oo la burburinaayo goobaha sida sharci darrada loo dhistay ee […]

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa habeenimadii xalay aheyd howlgal lagu bur-burinaayay dhismooyin si sharci darro ah loo dhistay Waddooyinka waaweyn ee degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ka fuliyey degmadaas.

Howlgalka burburinta ayaa waxaa hoggaaminaayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish, waxaana la arkayey iyada oo la burburinaayo goobaha sida sharci darrada loo dhistay ee Waddooyinka waaweyn ee Kaaraan.

- Advertisement -

Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka burburinta ahaa ee xalay la sameeyay si gaar ah looga fuliyay goobo ku yaalla inta u dhexeeysa Isgoyska jiirada illaa Xaawa Casir.

Saalax Dheere ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu noqon doono mid sii socda, si loo fuliyo amarka Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ee ahaa ku aadan in aan marnaba la aqbali doonin goobaha sida sharci darrada loo dhistay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Digniin u diray Ganacsatada dhismooyinka sida sharci darrada ah uga dhistay hareeraha laamiga waddooyinka Caasimadda, wuxuuna Afhayeen Saalax Dheere tilmaamay in la burburin doono goob kasta oo si sharci darro ah loo dhistay.

- Advertisement -

Tallaabada uu xalay qaaday Maamulka Gobolka ayaa kusoo aaday, iyada oo Guddoomiye Cumar Filish sheegay in degmada Kaaraan ay ku yaallan Warshado lagu farsameeyo waxyaabaha maanka dooriya oo qeyb ka amni darrada ka jirta degmadaas.

Latest stories