HomeWararAl-shabaab oo dagaal la'aan la wareegay degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb

Al-shabaab oo dagaal la’aan la wareegay degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay la wareegay deegaanka Ceeldheere oo ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Al-shabaab ayaa dagaal la’aan qabsaday deegaanka Ceeldheere, kadib markii la sheegay in halkaas ay isaga baxeen Ciidamada dowladda iyo kuwii Galmudug ay joogay, isla markaana ay Shabaabka gudaha u galeen deegaankaas xilli dambe ee xalay.

- Advertisement -

Dad ayaa ku warramay in Al-shabaab ay qaraxyo ku burburiyeen Xaruntii uu ku shaqeynayey Maamulka Ceeldheere, Saldhigii iyo Xarumo kale oo ku yaallay, waxaana intaas kadib dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Shabaabka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka dhacay ee dhexmaray dhinacyada, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan qabashada Al-shabaab ee deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Dorraad ayey aheyd  markii Al-shabaab ay dagaal la’aan kula wareegeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo ay isaga baxeen Ciidanka Maamulka Galmudug ee joogay, waxaana Shabaabka qaraxyo ku burburiyeen Saldhiga degmadaas, iyagoona kadib halkaas markii dambe isaga tegay.

- Advertisement -

Latest stories