HomeWararDowladda Soomaaliya oo taageero ka Dalbatay Taliska Howlgalka Midowga Yurub

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka Dalbatay Taliska Howlgalka Midowga Yurub

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Taliska Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa ay ugu wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii ciidanka iyo Midowga Yurub ay isaga kaashan lahaayeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa laga sheegay in muhiim ay tahay in Midowga Yurub ay laba jibaaraan Taageeradda ay siiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku jira diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee la wareegidda Amniga Guud ee Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Midowga Yurub ay sii dardar-geliyaan taageerada ay siiyaan Ciidanka dowladda Federaalka, si Ciidamada iyo Taliska howlgalka Midowga Yurub isaga kaashadan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories