HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Garoon Diyaaradeed

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Garoon Diyaaradeed

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas habeenimadii xalay aheyd ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab. Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Garoonka Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen inuu ahaa mid ay u adeegsadeen madaafiic dhowr ah oo ay ku tuureen Saldhig […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas habeenimadii xalay aheyd ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Garoonka Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen inuu ahaa mid ay u adeegsadeen madaafiic dhowr ah oo ay ku tuureen Saldhig Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin halkaas.

- Advertisement -

Dad degan meelo ku dhow Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa ku warramay inay maqlayeen jugta tirro hoobiyeyaal ah, kadibna ay xigtay rasaas  goos-goos ah oo dhaceysay, balse markii dambe xaaladda si caadi ah kusoo laabatay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ku sheegteen in xalay weerar loo adeegsaday Madaafiic ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ku leeyihiin Garoonka Jowhar, mana sheegin wax khasaaro oo ka dhashay.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay weeraro isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ugu qaadeen Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo kolonyo ay la socdeen Ciidankaas, xiliyo socdaal ku marayeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Latest stories