HomeWararDowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir Caalami ah

Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir Caalami ah

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur oo u wehliyo Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa ka qeyb galay Shirka Wasiirada Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dhismaha Xarunta Jaamacadda Carabta. Kulanka oo ahaa kalfadhigii 37-aad ee Wasiirada Cadaaladda Carabta ayaa […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur oo u wehliyo Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa ka qeyb galay Shirka Wasiirada Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dhismaha Xarunta Jaamacadda Carabta.

Kulanka oo ahaa kalfadhigii 37-aad ee Wasiirada Cadaaladda Carabta ayaa looga hadlay arrimaha la dagaallanka Argagixisada iyo la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana uu Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya fagaarahan kuso bandhigay horumarada Soomaaliya ka sameysay Cadaaladda iyo la dagaallanka Argagixisada.

- Advertisement -

Wasiirka oo khudbad qoraal ah la wadaagay Wasiirada Carabta ayaa si faahfaahsan u sheegay in Soomaaliya guulo la taaban karo ka gaartay dhismaha hannaanka Garsoorka maadaama dastuurku xaqiijiyey madax banaanida Garsoorka Dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Wasiirka uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirada dhigiisa ee Masar, Ciraaq iyo dalal kale oo carbeed.

Wasiirka aya intii uu joogay Wasaarada ku guuleystay dhameystirka dhismaha guddiga Qaran ee la dagaallanka Musuq maasuqa iyo kamid noqoshadda heshiisyada Caalamiga ah ee ciribtirka musuqa.

Latest stories