HomeWararCiidamada Itoobiya oo dib u qabsaday labo Magaalo oo muhiim u ah

Ciidamada Itoobiya oo dib u qabsaday labo Magaalo oo muhiim u ah

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Ciidamada Itoobiya ayaa dib ula wareegay magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Dessie iyo Kombolcha, kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega, sida ay dowladdu sheegtay Isniintii, taas oo ah calaamaddii ugu dambaysay ee ay dowladdu dib ugu qabsanayso dhulkii ay dhawaan lumisay Xoogagga taabacsan Jabhadda Tigreega ee TPLF, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinkan oo […]

- Advertisement -

Ciidamada Itoobiya ayaa dib ula wareegay magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Dessie iyo Kombolcha, kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega, sida ay dowladdu sheegtay Isniintii, taas oo ah calaamaddii ugu dambaysay ee ay dowladdu dib ugu qabsanayso dhulkii ay dhawaan lumisay

Xoogagga taabacsan Jabhadda Tigreega ee TPLF, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinkan oo ka tirsan gobolka Axmaarada bil uun kahor.

- Advertisement -

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaan weli ka jawaabin hadalka dowladda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in warbaahinta dowladdu ay ku dhawaaqay guushan, taas oo ah dhiirigelintii ugu dambeysay ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Ciidamada Federaalka iyo xulafadooda gobolka ayaa toddobaadkii hore dib u qabsaday magaalada Lalibela oo hay’adda Qaramada Midobay ee UNESCO u aqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah, kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega.

Latest stories