HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble iyo Cumar Cabdirashiid oo ka wada hadlay Doorashada socota

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cumar Cabdirashiid oo ka wada hadlay Doorashada socota

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maalmo kahor soo gaaray Magaalada Muqdisho. Kulanka dhexmaray Rooble iyo Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka iyo doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaarihii […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maalmo kahor soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Kulanka dhexmaray Rooble iyo Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka iyo doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo Qoraal soo saaray.

- Advertisement -

Cumar Cabdirashiid ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in is faham laga gaaro muranka ka dhashay doorashada Golaha Shacabka ee dhawaan ka bilaabatay Muqdisho, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, xili kuraas la sheegay in lagu boobay doorashooyinkii dhacay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo Casuumaada uu u sameeyay isaga iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,  Runtii aad iyo aad ayaanu uga mahad-naqaynaa wakhtiga iyo doodaha hufan ee aanu ka yeelanay xaaladda doorashadu. Mararka qaarkood isfaham waa lagu gaaraa shirarka aan caadiga ahayn” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

- Advertisement -

Cumar Cabdirashiid ayaa siweyn u dhaliilay doorashada Golaha Shacabka ee bilaabatay, wuxuuna sheegay in dalka xiligaan uu u baahan yahay in laga badbaadiyo halka uu kusii socdo, isagoona tilmaamay inuu qeyb ka noqonayo kulamada Wadatashiga ay wadaan Midowga Musharaxiinta oo shaaciyay in aysan aqbali doonin Natiijada doorashada.

Latest stories