HomeCaalamkaHeshiis Xasaasi ah oo Mareykanka iyo Iran uga furmaya Vienna

Heshiis Xasaasi ah oo Mareykanka iyo Iran uga furmaya Vienna

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Wadahadalo xasaasi ah oo Iran lala yeelanayo si looga hortago burburka heshiiskii Nukliyeerka ayaa dib uga furmaya Vienna shan bilood kadib.

Saraakiisha ayaa ka wadahadli doona suurtagalnimada ku soo laabashada Mareykanka ee heshiiskii 2015, kaasoo xaddidayay dhaqdhaqaaqa Nukliyeerka ee Iran taa beddelkeeda laga qaadayo cunaqabateynta.

- Advertisement -

Iran ayaa jebisay ballamihii muhiimka ahaa tan iyo markii uu xilligaas xilka ka dagay madaxweyne Donald Trump 2018 kaas oo dib u soo celiyay cunaqabateyntii Mareykanka.

Joe Biden wuxuu diyaar u yahay inuu kor u qaado haddii Iran ay ka noqoto jebinta xeerarkaas. Laakiin Iran waxa ay doonaysaa in Maraykanku uu qaado talaabada ugu horreysa.

Dublamaasiyiinta reer galbeedka ayaa ka digay in wakhtigu ka dhamaanayo wada xaajoodka xalkiisa, sababo ah horumarka la taaban karo ee Iran ay ka samaysay barnaamijkeeda tayaynta Yuraaniyaamka, taasi oo ah dariiqa suurtogalka ah ee loo maro bamka Nukliyeerka.

Latest stories