HomeWararGuddiga Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashadii uu kusoo baxay Yaasiin Fareey

Guddiga Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashadii uu kusoo baxay Yaasiin Fareey

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa shaaciyay in dacwo laga soo gudbiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#067 oo uu dhawaan kusoo baxay Taliyaha KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey. War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga xallinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in la hakiyey ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee doorashadii uu kusoo baxay […]

- Advertisement -

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa shaaciyay in dacwo laga soo gudbiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#067 oo uu dhawaan kusoo baxay Taliyaha KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga xallinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in la hakiyey ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee doorashadii uu kusoo baxay Yaasiin Fareey oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Guddiga ayaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku wargeliyay hakinta Natiijada doorashada kursiga HOP#067 illaa inta Guddiga Khilaafaaadka go’aan kaga gaarayo dacwada laga soo gudbiyey kursigaas oo uu kusoo baxay Yaasiin Fareey.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay inay baaritaanka caddeymaha, dhageysiga dhinacyada ay khuseeyso dacwada iyo Go’aanka kama dambeysta ee dacwada ay kusoo gaari doonaan muddo 7 maalmood.

Taliyaha KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey ayaa dhawaan kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#067, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

- Advertisement -

 

Latest stories