HomeCaalamkaBoqolaal Tahriibayaal la socday Doon si xad dhaaf loo soo buuxiyay oo...

Boqolaal Tahriibayaal la socday Doon si xad dhaaf loo soo buuxiyay oo la badbaadiyey

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Ciidamada badda Tunisia ayaa Jimcihii soo badbaadiyay 487 tahriibayaal ah oo la socday doon si xad dhaaf loo soo buuxiyay, taas oo dhibaato ka heysatay safarka badda Mediterranean-ka, xilli ay doonayeen in ay gaaraan Yurub.

Doontan ayaa siday dad tahriibayaal ah oo u kala dhashay dalalka Masar, Syria,Sudan, Pakistan, Itoobiya iyo Falastiin, waxaana ciidamada baddu ay sheegay in ay ku jireen 13 haween ah iyo 93 caruur ah.

- Advertisement -

Bilihii la soo dhaafay, dhowr shil oo ay dhinteen tahriibayaal ayaa ka dhacay meelo ka baxsan Tunisia, iyadoo ay kordheen safarada tahriibka ah ee imaanaya Tunisia iyo Libya ee ku sii jeeda dhanka Talyaaniga.

Boqollaal kun oo qof ayaa sannadihii u dambeeyay ka gudbay marinka halista ah ee Mediterranean-ka, kuwaas oo intooda badan ka soo cararay colaadaha iyo faqriga ka jira Afrika iyo Bariga Dhexe.

Wakaaladda wararka ee Reuter ayaa qortay in muhaajiriinta la soo badbaadiyay la geeyay dekedda El Kitf ee magaalada Ben Guerdane.

Latest stories