HomeCaalamkaDowladda Itoobiya oo ka Codsatay Mareykanka joojinta warar been abuur ah

Dowladda Itoobiya oo ka Codsatay Mareykanka joojinta warar been abuur ah

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay Mareykanka in uu joojiyo faafinta waxa ay ugu yeertay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Itoobiya, sida uu sheegay wasiiru dowlaha isgaarsiinta dalkaasi Khamiistii shalay. Itoobiya ayaa warkan soo saartay kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku saabsan “weerarro argagixiso”. Sida ay shaacisay […]

- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay Mareykanka in uu joojiyo faafinta waxa ay ugu yeertay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Itoobiya, sida uu sheegay wasiiru dowlaha isgaarsiinta dalkaasi Khamiistii shalay.

Itoobiya ayaa warkan soo saartay kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku saabsan “weerarro argagixiso”.

- Advertisement -

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ee EBC, wasiiru dowlaha isgaarsiinta, Kebede Dessisa, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay in ay ka fogaato baahinta “warar been abuur ah oo ceeb iyo sumcad dil ah, oo ku saabsan Itoobiya,”

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Toddobaadkan ayay dowladda Ireland sheegtay in Itoobiya ay erisay afar ka mid ah lix dublamaasi oo Irish ah, sababtoo ah mawqifka Ireland ee dagaalka Itoobiya.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale ka digay hanjabaado dibadda ah oo aan la magacaabin, waxayna dowladaha reer galbeedka ku dhaleeceeyeen ‘wararka aan sax ahayn ee ku saabsan dagaalka.’

Latest stories