HomeCaalamkaRa’iisul Wasaare Abiy hoggaamiyey Dagaal lagu qaaday Jabhadda Tigray

Ra’iisul Wasaare Abiy hoggaamiyey Dagaal lagu qaaday Jabhadda Tigray

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Arbacadii ku biiray furinta hore ee halka ciidamadiisa ay kula dagaalamayaan mucaaradka kasoo jeeda gobolka Tigray. “Abiy waxa uu hadda hogaaminayaa weerar celiska, wuxuuna hagayey dagaalka shalay,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA. Ma cadda halka uu Abiy, oo horey uga tirsanaa militariga, uu dagaalka kaga jiro. Warbaahinta […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Arbacadii ku biiray furinta hore ee halka ciidamadiisa ay kula dagaalamayaan mucaaradka kasoo jeeda gobolka Tigray.

“Abiy waxa uu hadda hogaaminayaa weerar celiska, wuxuuna hagayey dagaalka shalay,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA.

- Advertisement -

Ma cadda halka uu Abiy, oo horey uga tirsanaa militariga, uu dagaalka kaga jiro. Warbaahinta dowladda sidoo kale sooma bandhigin muuqaallo muujinaya isaga oo jooga aagga dagaalka.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, oo ka jawaabeysa wararka sheegaya in Abiy uu tegay furinta dagaalka, ayaa ka digtay in dagaalka Ethiopia “uusan laheyn xal militari.”

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan hadallada dagaal iyo dab hurinta ah, oo ay adeegsadaan is-xakameyn, ilaaliyaan xuquuqda aadanaha, shacabkana badbaadiyaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.

- Advertisement -

Hadalka Abiy uu Isniintii ku sheegay inuu tegi doono furinta dagaalka, ayaa “kuwa badan ku dhiirii-gelisay inay ku biiraan ololaha bad-baadada,” waxaa sidaas sheegtay FANA.

Boqolaal ciidamo cusub ah ayaa Arbacadii ka qeyb-galay xaflad lagu soo dhoweynayey oo ka dhacday degmada Kolfe ee magaalada Addis-Ababa.

Dhinaca kale, diblomaasiyiinta caalamiga ah iyo shaqaalaha hay’adaha ayaa kasii baxaya Addis Ababa, ayaga oo ka cabsi qaba inay mucaaradka qabsadaan, kuwaasi oo kusoo dhowaanaya.

Latest stories