HomeCaalamkaSaraakiisha Sudan oo xabsiga ka sii daayey siyaasiyiin rayid ah

Saraakiisha Sudan oo xabsiga ka sii daayey siyaasiyiin rayid ah

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Saraakiisha Xukuma dalka Sudan ayaa xabsiga ka sii daayey siyaasiyiin rayid ah oo la xir xiray afgambigii bishii hore ka dib.

Hoggaamiyaha xisbiga Sudan Congress, Omar al-Degeir, ayaa Wakaaladda Wararka ee Faransiiska u sheegay in habeenkii Axadda laga sii daayey meel uu kaligiis ku xirnaa oo uu ku go’doonsanaa.

- Advertisement -

Waxaa sidoo kale la sii daayey siyaasiyiin kale, oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan xisbiga ugu weyn dalkaas ee Umma.

Xubno ka tirsan xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee la kala diray ayaa si xooggan u cambaareeyey heshiiskii Axaddii ee dib xukunka loogu soo celiyey Ra’iisal Wasaare, Abdalla Hamdok, waxayna tallaabadaas ku tilmaameen mid khiyaano ah.

Dadka militariga dhaliilsan ayaa shaki ka qaba in ra’iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa awood loo siin doono in dalka ay si fiican u maamulaan iyo in kale.

Latest stories