HomeWararRa'iisul Wasaare Abiy Axmed oo sheegay inuu tagayo jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo sheegay inuu tagayo jiida hore ee dagaalka

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu shaaciyay inuu hadda wixii ka dambeeya uu tagayo jiida hore ee dagaalka kaa oo u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga TPLF. Ra’iisul wasaare Abiy ayaa ah abbaanduulaha guud ee ciidamada difaaca Qaranka dalka Itoobiya, wuxuuna fariintaan si gaar ah ugu muujinayay inuu […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu shaaciyay inuu hadda wixii ka dambeeya uu tagayo jiida hore ee dagaalka kaa oo u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga TPLF. Ra’iisul wasaare Abiy ayaa ah abbaanduulaha guud ee ciidamada difaaca Qaranka dalka Itoobiya, wuxuuna fariintaan si gaar ah ugu muujinayay inuu doonayo inuu hoggaamiyo ciidamada dagaalka ku jira.

Hadalkaan ayaa ka dambeyay sida wararku sheegayaan kadib markii gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya mas’uuliyiin ka tirsan ay kulan ku yeesheen shalay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kulankaas oo looga hadlayay xaaladihii ugu dambeyay ee dalka gaarahaanna dirirta u dhaxeeya dowladda federaalka iyo fallaagada TPLF ee waqooyiga. Sidoo kale mas’uuliyiinta Xisbiga Barwaaqo ayaa sheegay in hoggaanka Xisbigu ay diyaar u yihiin in dagaalka ay galaan oo ay qoryaha qaataan.

- Advertisement -

Saacado kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu shaaciyay in barri laga bilaabo uu tagi doono jiidda hore ee dalka ayaa isana waxaa bartiisa faceboogga qoraal ku baahiyay afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo hadalka Abiy ku tilmaamay mid majaajilo ah isaga oo intaa raaciyay inay sii wadayaan dadaalladooda ku aaddan in dadkooda ay ka dul qaadaan cunna qabateynta saaran.

Saacadihii la soo dhaafayna waxaa baraha bulshada lagu arkayay in ciidamo ka tirsan booliska federaalka Itoobiya la geeyay xuduudaha iyo magaalooyinka kuwaas oo la sheegay in loogu tala galay inay sugaan amniga aaggaga la geeyay.

Latest stories