HomeCaalamkaTaalibaan oo sharci cusub ku soo rogtay gabdhaha saxafiyiinta ah

Taalibaan oo sharci cusub ku soo rogtay gabdhaha saxafiyiinta ah

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Sharci cusub oo ay soo rogtay Taalibaan , ayaa haweenka looga mamnuucay inay ka soo muuqdaan riwaayadaha ka baxa telefishinnada dalka Afgaanistaan. Gabdhaha saxafiyiinta ah iyo kuwa warka ka tabiya telefishannada ayaa sidoo kale lagu amray inay xirtaan Xijaab, inkastoo hab-raacyadu aysan sheegin nooca la isticmaalayo. Weriyeyaasha ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xeerarka […]

- Advertisement -

Sharci cusub oo ay soo rogtay Taalibaan , ayaa haweenka looga mamnuucay inay ka soo muuqdaan riwaayadaha ka baxa telefishinnada dalka Afgaanistaan.

Gabdhaha saxafiyiinta ah iyo kuwa warka ka tabiya telefishannada ayaa sidoo kale lagu amray inay xirtaan Xijaab, inkastoo hab-raacyadu aysan sheegin nooca la isticmaalayo.

- Advertisement -

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xeerarka ay yihiin kuwo aan caddeyn oo ay ku habboon yihiin in la sharraxo.

Taalibaan ayaa la wareegtay awoodda Afgaanistaan ​​bartamihii bishii Ogoosto, waxaana dad badan ay ka cabsi qabaan in ay si tartiib tartiib u soo rogayaan xayiraado adag.

Kooxda islaamiga ah ee la wareegtay gacan ku heynta kadib bixitaanka ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa, ayaa ​​islamarkiiba ku amray gabdhaha iyo haweenka dhalinyarada ah in ay guryahooda joogaan oo aysan iskuulada aadin.

- Advertisement -

Xilligii ay horey tallada dalka u hayeen ee sagaashamaadkii, ayaa haweenka waxaa laga mamnuucay waxbarashada iyo goobaha shaqada.

Nidaamkii ugu dambeeyay ee tilmaamaha Taalibaan ay soo rogeen ee la siiyay kanaalada telefishinnada Afgaanistaan, ayaa qeexaya sideed xeer oo cusub.

Latest stories