HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Ra’iisul Wasaarev Rooble ayaa marka hore Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb u tegay Arrimo la xiriira doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka, isagoona halkaas kulamo kala duwan […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarev Rooble ayaa marka hore Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb u tegay Arrimo la xiriira doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka, isagoona halkaas kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Maamulka.

- Advertisement -

Rooble ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor kala soo hadlay dardar-gelinta howlaha doorashada Golaha Shacabka iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta degaano ka tirsan Maamulka.

Sidoo kale waxaa uu kulamo lasoo qaatay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan, isla markaana ka xog-wareystay xaaladda degaanka iyo baahiyaha jira ee u baahan in dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ay wax ka qabtaan.

Maanta oo sabti ah ayaa lagu waday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta inuu safar ku aado Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, hayeeshee waxaa uu ka baaqday, isagoona dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Latest stories