HomeWararBaarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2022

Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2022

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay kulankii 12-aad ee Kal-fadhiga 49-aad ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka. Ajendaha kulanka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Miisaaniyadda Maamulka ee sanadkaan 2022, taasi oo ka kooban $354,093,039, waxaana kulanka goobjoog ahaa 45 Xildhibaan. Kulanka ayaa […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay kulankii 12-aad ee Kal-fadhiga 49-aad ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka.

Ajendaha kulanka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Miisaaniyadda Maamulka ee sanadkaan 2022, taasi oo ka kooban $354,093,039, waxaana kulanka goobjoog ahaa 45 Xildhibaan.

- Advertisement -

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Puntland oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxaana u coddeeyay 44 Xildhibaan, iyadoona hal Xildhibaan oo kaliya uu ka aamusay.

Sidoo kale, Baarlamanka dowlad Puntland ayaa loo qeybiyay wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga, waxaana la fasaxay Xildhibaanada mudda todobaad ah, si ay u soo Akhriyaan wax-ka beddelka Xeerka.

Ugu dambeyn Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo soo xiray kulankii Maanta ka qabsoomay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in fadhiga la isu’gu imaan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

- Advertisement -

Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland ayaa maalmo kahor ansixiyey Miisaaniyadda Maamulka ee sanadkaan 2022 oo ka kooban $354,093,039, taas oo ay gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas.

Latest stories