HomeWararMid kamid ah Senatorada Cusub ee Aqalka Sare oo is Casilay iyo...

Mid kamid ah Senatorada Cusub ee Aqalka Sare oo is Casilay iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo loo yaqaano Dhageey oo afartii sanno ee lasoo dhaafay Senator ahaa oo mar kalena 12-kii bishii Ogoosto ee sanadkaan loo doortay inuu kamid noqdo Senatorada Galmudug ku metelaya Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqay inuu is Casilay. Qoraal uu soo saaray oo ku taariikheysnaa 15-kii bishaan November ayuu Senator Yuusuf Geelle […]

- Advertisement -

Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo loo yaqaano Dhageey oo afartii sanno ee lasoo dhaafay Senator ahaa oo mar kalena 12-kii bishii Ogoosto ee sanadkaan loo doortay inuu kamid noqdo Senatorada Galmudug ku metelaya Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqay inuu is Casilay.

Qoraal uu soo saaray oo ku taariikheysnaa 15-kii bishaan November ayuu Senator Yuusuf Geelle ku shaaciyay inuu iska Casilay xubinnimadii Senator ee loo doortay, isagoona marka hore u mahadceliyay Madaxda iyo Xildhibaanadii mar kale doortay.

- Advertisement -

Sababta keentay inuu is Casilo Yuusuf Geelle Ugaas ayuu ku sheegay inuu doonayo in tolkiisa dhexdiisa uu ka abuuro Jawi siyaasadeed oo wanaagsan, isla markaana uu go’aan ku gaaray inuu tanaasul sameeyo.

Sidoo kale Yuusuf Geelle Ugaas ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Guddoonka Baarlamanka iyo dhammaan Xildhibaanada Maamulkaas ka codsaday inay ka aqbalaan Is casilaadiisa xubinnimo ee Golaha Aqalka Sare.

Ugu dambeyn  Yuusuf Geelle oo afartii sanno ee lasoo dhaafay Senator ahaa ayaa Senatorada cusub iyo kuwii hore ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo howlaha culus ee horyaalla.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Yuusuf Geelle.

Latest stories