HomeWararDhallinyaro kasoo baxsaday Xabsiyada Magafaha oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho

Dhallinyaro kasoo baxsaday Xabsiyada Magafaha oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ku xayirnaa Xabsiyada ku yaala dalka Liibiya ayaa maanta qaar kood dib ugu soo laabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho . Dhallinyaradan oo tiro ahaan gaaraya 10 ruux, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ku soodhaweeyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur. Dhallinyaradan ayaa ka baxsaday xabsiyadii […]

- Advertisement -

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ku xayirnaa Xabsiyada ku yaala dalka Liibiya ayaa maanta qaar kood dib ugu soo laabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho .

Dhallinyaradan oo tiro ahaan gaaraya 10 ruux, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ku soodhaweeyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur.

- Advertisement -

Dhallinyaradan ayaa ka baxsaday xabsiyadii magafeyaasha iyagoo iska dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si dalka loogu soo celiyo, kuwaas oo xiriir la sameeyay Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabadda soo dhoweynta soo si heersare ah looga soo shaqeeyay ayaa waxaa Wasiirka Amniga ku wehlinayay, Wakiilo ka socday Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ambassador Mariam Yaasiin, iyo Wakiilo Safaaradda Soomaliyeed dalka Libya, Hay’adda IOM iyo hay’adda Qaxootiga ee QM ee UNHCR.

Todobaadka soo socda ayaa waxaa la qorsheynayaa in dalka dib logu soo celiyo ku dhawaad 30 kale oo dhallinyaro ah.

Latest stories