HomeWararSaraakiil Kenyaan ah oo xabsiga la dhigay kadib markii ay fududeeyeen baxsashada...

Saraakiil Kenyaan ah oo xabsiga la dhigay kadib markii ay fududeeyeen baxsashada xubno Al-Shabaab ah

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi. Maxaabiistan baxsatay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay […]

- Advertisement -

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

Maxaabiistan baxsatay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

- Advertisement -

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Kenya waxay sidoo kale sheegay in $178,000 doolar ay siin doonto ciddii keentay xog horseeda karta in gacanta lagu soo dhigo raggan baxsaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i wuxuu sheegay in dowladda ay qaadeyso howlgal ay ku baadigoobeyso ‘dambiilayaashan halista ah’ ee baxsatay.

- Advertisement -

“Waxaan qaadeynaa tallaabooyin wax ku ool ah si aan u xaqiijino in dayacaad noocan ah aysan ka dhicin xabsiyada mar kale” ayuu yiri Matiangi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mas’uuliyad darro, xirfad xumo iyo taxaddar la’aan ay sababtay baxsashada raggan.

Sidoo kale maxaabiista maxsabatay waxaa kamid ah Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.

Latest stories