HomeCaalamkaDowlad Madaxdeeda laga mamnuucay in ay yimaadaan dalka Mareykanka

Dowlad Madaxdeeda laga mamnuucay in ay yimaadaan dalka Mareykanka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ka mamnuucay madaxda sare ee dowladda Nicaragua inay soo galaan Mareykanka, waxaana tallaabadan uu Biden uga jawaabay doorashadi dhawaan uu ku guuleystay markiisii afraad madaxweyne Daniel Ortega. Dowladda Mareykanka ayaa doorashadan ku tilmaantay mid lagu shubtay. Xayiraada madaxweyne Biden ayaa saameyneysa dhammaan saraakiisha la doortay oo ay ku jiraan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ka mamnuucay madaxda sare ee dowladda Nicaragua inay soo galaan Mareykanka, waxaana tallaabadan uu Biden uga jawaabay doorashadi dhawaan uu ku guuleystay markiisii afraad madaxweyne Daniel Ortega.

Dowladda Mareykanka ayaa doorashadan ku tilmaantay mid lagu shubtay.

- Advertisement -

Xayiraada madaxweyne Biden ayaa saameyneysa dhammaan saraakiisha la doortay oo ay ku jiraan Ortega iyo xaaskiisa oo ah madaxweyne ku xigeenka waddanka, haweeneyda lagu magacaabo Rosario Murillo.

Dadka kale ee laga mamnuucay in ay Mareykanka soo galaan ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan ciidanka amniga, garsoorayaal iyo guddoomiyaal gobol, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wiiqeen dimoqraadiyadda dalka ku yaal bartamaha dalalka Ameerika.

Canada iyo Britian ayaa xayiraad tan la mid ah saaray saraakiil sare oo ka tirsan taliska Daniel Ortega ee dalka Nicaragua.

Latest stories