HomeWararMaxaa ka jira wararka sheegaya in RW Rooble uu la kulmi doono...

Maxaa ka jira wararka sheegaya in RW Rooble uu la kulmi doono Madaxda Ahlu-sunna?

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah e Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa waxaa soo baxaya warar ku aaddan in RW Rooble la kulmo doono Madaxda Ahlu-sunna, si loo dhammeeyo khilaafka culus ee ka taagan halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Xsueen Rooble Ra’iisul Wasaaraha […]

- Advertisement -

Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah e Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa waxaa soo baxaya warar ku aaddan in RW Rooble la kulmo doono Madaxda Ahlu-sunna, si loo dhammeeyo khilaafka culus ee ka taagan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Xsueen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uusan wax wada hadal ama kulamo ah uusan la yeelan doonin xoogagga hubeysan ee Ahlu-Sunna.

- Advertisement -

Sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al cadaala Ra’iisul Wasaaraha qorshaha uguma  jirito arrintaasi, qaybna kama aha kulamada Rooble ee uu doonayo in u la yeesho qaybaha kala duwan e bulshada degaanadaasi.

RW Rooble ayaaa safar ku tagi doono Magaalooyinka waa weyn ee Dowlad Goboleedyada,waxaana socdaalkiisu uu yahay mid ku aaddan arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan si toos ah loo aadi doorashada Golaha shacabka.

Latest stories