HomeCaalamkaKooxda Xizbullah oo dhaqdhaaqyo ka wadda dalka Colombia

Kooxda Xizbullah oo dhaqdhaaqyo ka wadda dalka Colombia

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Colombia ayaa sheegtay inay isha ku hayso dhaqdhaaqyo ay kooxda Xizbullah ee Shiicada ah ka waddo dalkaas, ayada oo ku eedeysay inay fuliso falal dambiyeed.

“Laba bil kahor waxaan ku qasbanaanay inaan la tacaalno xaalad keentay inaan abaabulno howlgal lagu qabtay laguna eryey laba dambiilayaal oo ay shaqaaleysay kooxda Xizbullah, oo ujeedkoodu ahaa inay falal dambiyeed ka fuliyaan gudaha Colombia,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga Colombia Diego Molano oo wareysi siiyey wargeyska maalinlaha ah ee El Tiempo.

- Advertisement -

Ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer oo ku saabsan howlgalka dowladda.

Hase yeeshee wargeyska, oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka militariga, ayaa sheegay in kooxda reer Lubnaan ay basaaseysay ganacsato Mareykan iyo Israeli ah oo ku sugan Colombia.

Dalka Colombia ayaa waxaa ku nool jaaliyad reer Lubnaan ah oo tiro muuqato leh.

- Advertisement -

Kooxda Xizbullah ayaa waxaa horey loogu warramay inay ku sugan tahay dalka Venezuela iyo dalal kale oo ka tirsan Latin America.

Latest stories