HomeCaalamkaAfhayeen u hadlay mucaaradka Tigray “Waxaan ku sii siqeynaa Addis Ababa”

Afhayeen u hadlay mucaaradka Tigray “Waxaan ku sii siqeynaa Addis Ababa”

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Afhayeen u hadlay mucaaradka Tigray ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku sii siqayaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ilaa dowladdu ay qaaddo go’doominta ay gelisay gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigray. Getachew Reda ayaa raadiyaha BBC Focus on Africa u sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan nabadda Itoobiya ay tahay “ku dhegganaanta Abiy Axmed […]

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay mucaaradka Tigray ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku sii siqayaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ilaa dowladdu ay qaaddo go’doominta ay gelisay gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigray.

Getachew Reda ayaa raadiyaha BBC Focus on Africa u sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan nabadda Itoobiya ay tahay “ku dhegganaanta Abiy Axmed ee in qaab militari loo xalliyo wax dhibaato siyaasadeed ah”.

- Advertisement -

Mcaaradka ayaa ku sii siqayay caasimadda, iyadoo dowladdu ay dadka deggan Addis Ababa ugu baaqeysay inay is abaabulaan oo ay is difaacaan.

Getachew ayaa sheegay in ujeedkood augu weyn “uusan keliya ahayn Addis Ababa ee uu yahay in Abiy lagu qasbo inuu go’doominta ka qaado dadkooda”.

“Waxay u taallaa Abiy inuu haa ama maya dhoho dalabaadkeenna…dagaalkana uu soo afjaro,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, oo ku sugan Itoobiya si uu u dhexdhexaadiyo labada dhinac inay dagaalka soo afjaraan, uu wada hadalo miro dhalay la yeeshay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael.

Wuxuu sheegay in hoggaamiyaha TPLF “uu sharraxaad ka bixiyay ujeedkooda”.

Latest stories