HomeWararIsrasaaseyn ka dhacday Magaalada Garoowe iyo faah faahin kasoo baxeysa

Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Garoowe iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn socotay daqiiqado kooban oo habeenkii xalay aheyd ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, taasi oo u dhexeeysay Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland. Dad ku sugan Garoowe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Israsaaseynta dhacday ay si gaar ah u dhexmartay Ciidamo ka tirsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn socotay daqiiqado kooban oo habeenkii xalay aheyd ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, taasi oo u dhexeeysay Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland.

Dad ku sugan Garoowe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Israsaaseynta dhacday ay si gaar ah u dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo Ciidamo Taraafiko ah oo ku sugnaa Xaruntooda.

- Advertisement -

Israsaaseynta ayaa ka bilaabatay, kadib markii uu muran ka dhashay gaari ay lahaayeen Ciidanka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo lagu xareeyay Xarunta Ciidanka Taraafikada ee Garoowe, sidaasina rasaasta ku dhacday.

Laba Askari  oo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay Israaseynta dhacday, kuwaasi oo la geeyay Isbitaal, si loogu daaweyo, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Puntland oo ku aadan falkaas dhacay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland loo xiray dhacdadaas, isla markaana waxaa ku socda baaritaano ku aadan qaabka ay u dhacday Israsaaseynta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts