HomeWararCabdi Xaashi iyo Sheekh Shariif oo ka wada hadlay Doorashada Golaha Shacabka

Cabdi Xaashi iyo Sheekh Shariif oo ka wada hadlay Doorashada Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahan Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatorka dooran ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Cabdi Xaashi ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland. […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahan Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatorka dooran ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Cabdi Xaashi ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif ayaa Senatar Cabdi Xaashi u sheegay inau muhiim tahay dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland oo dhawaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho, lana doortay Xildhibaanadii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.

Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uga mahad celiyay kaalintiisa sida is fahamka ah ee ay socoto doorashada Xildhibaanada Matalaya gobolada Waqooyi ee dalka oo uu shariifku sheegay in loo baahan dardar-gelinteeda.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo ay hakad ku jirto doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland, xili la doortay labadii Xildhibaankii ee horreeyay oo kala ah Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkaiyo Biixi Iimaan Cige, iyadoo ay xusid mudan tahay in la hakiyey natiijada doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.

Latest stories