HomeWararPuntland oo gacanta ku dhigtay Burcad hubeysan oo dhaawac iyo dhac geystay

Puntland oo gacanta ku dhigtay Burcad hubeysan oo dhaawac iyo dhac geystay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Laamaha Amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa dhalinyaro ku u soo qab qabtay dhaca Mobilada, oo Muddooyinkii la soo dhaafay Cabasho wayn ka Imaanaysay dadwaynaha xaafadaha Boosaaso. Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dhaqan xaafado ka tirsan Magaalada oo […]

- Advertisement -

Laamaha Amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa dhalinyaro ku u soo qab qabtay dhaca Mobilada, oo Muddooyinkii la soo dhaafay Cabasho wayn ka Imaanaysay dadwaynaha xaafadaha Boosaaso.

Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dhaqan xaafado ka tirsan Magaalada oo Maanta lagu soo bandhigay Saldhiga Bartamaha Boosaaso.

- Advertisement -

Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u geesanayeen dad shacab ah, waxaana saldhiga lagu soo bandhigay Moobeelo ay dad ka furteen iyo toorey ay wateen markaas. Qaar kamid ah dhalinyaradaan ayaa waxay dhaawacyo u geysteen dad shacabka oo hada xaaladohooda Caafimaad lagu daweenaayo Magaaloyinka Muqdisho iyo Itoobiya,

Qabaahada ragan dhalinyarada u badan ayaa timid, kadib markii Booliska ay gacan ka heleen shacabka xaafadaha kuwaas oo ka cabanayeen rag dhac u geysanaaya, iyadoona intaas kadib ay howlgalo ay sameeyeen taliska Booliska Gobalka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragan qabashadooda ay iska kaashadeen shacabka magaalada iyo ciidamada Booliska.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalada raggan lagu soo qabqabtay ay si gaar ah uga dhaceen Xaafadaha oo maalmihii lasoo dhaafay dhac iyo dhaawacyo dad badan loogu geystay Goobahaas, Taliye Xuseen ayaa sheegay in ragaan Maxkamada la horgeyn doono waxa kalo uga digay dhalinyarada ku howlan falkaas in ay ka waantoobaan.

Latest stories