HomeWararMaamulka Galmudug oo Qeylo-dhaan Deg-deg ah u diray Dowladda Federaalka

Maamulka Galmudug oo Qeylo-dhaan Deg-deg ah u diray Dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay abaaro baahsan oo ka jira degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug gaar ahaan kuwo hoostega Magaalada Gaalkacyo ee Xaruntaas, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka degaanada. Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in abaaro darran ay ka jiraan […]

- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay abaaro baahsan oo ka jira degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug gaar ahaan kuwo hoostega Magaalada Gaalkacyo ee Xaruntaas, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka degaanada.

Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in abaaro darran ay ka jiraan degmooyinka Jariiban iyo Goldogob ee Mudug, isla markaana saameyn xoogan ku yeelatay abaarta dadka iyo duunyada oo ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

- Advertisement -

Waxaa uu Duqa Gaalkacyo sheegay in dadka ay abaarto heysto ay u baahan yihiin in gargaar la gaarsiiyo, maadaama aysan heysan wax ay cunaan, wuxuuna Carabka ku dhuftay in dadka beeraha lahaa uu sanadkaan Ayax ka xaalufiyey dalagoogii ay beerteen.

Duq Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay Dowladda Fedeeaalka, Maamulka Galmudug, Hay’addaha Samafalka iyo dadka wax haysta inay gargaar deg deg ah la gaaraan dadka abaaraha ku saameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa xiligaan ka jira abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaana abaarta ugu adeg ay ka jirtaa Gobolada Maamulka Jubbaland, iyadoona ay la’deen xoolo badan.

Latest stories