HomeWararWaqtiga ay Doorashada Golaha Shacabka ka bilaabaneyso M/Goboleedyada oo la shaaciyay

Waqtiga ay Doorashada Golaha Shacabka ka bilaabaneyso M/Goboleedyada oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa shaaciyay in todobaadyada soo socda doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay si rasmi ah uga bilaabaneyso dowlad Goboleedyada dalka. Guddoomiye Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu soo dhammaaday diyaar garoowga doorashada Golaha Shacabka, isla markaana doorashada ka bilaabatay Magaalada Muqdisho, ayna todobaadyada soo socda […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa shaaciyay in todobaadyada soo socda doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay si rasmi ah uga bilaabaneyso dowlad Goboleedyada dalka.

Guddoomiye Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu soo dhammaaday diyaar garoowga doorashada Golaha Shacabka, isla markaana doorashada ka bilaabatay Magaalada Muqdisho, ayna todobaadyada soo socda ka bilaabaneyso degaanada maamulada dalka.

- Advertisement -

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Maxamed Cirro inay Magaalooyinka maamul Goboleedyada ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka ay u daabuli doonaan agabka doorashooyinka oo dhameystiran sida Warqadaha Cobixinta, Sanduuqyada iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashooyinka Golaha Shacabka ay kusoo dhammaato waqti aan badneyn, maadaama uu diyaar garoowga doorashada ee Guddiyada heer Federaal iyo heer maamul uu kasoo dhammaaday.

“Hannaankeena doorashada waqti badan ayuu soo jiitamayey, rajada haatan waa ay wanaagsan tahay, waxaana ballan qaad ku galnay Madaxda maamulada iyo Guddiyada doorashooyinka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda galo doorashada Golaha Shacabka” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

- Advertisement -

Doorashada Golaha Shacabka ayaa todobaadkaan ka bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana Xildhibaankii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Gobola Waqooyi ee Somaliland loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, halka kan labaad uu noqday Biixi Iiman Cige, wallow la hakiyey natiijada doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.

Latest stories