HomeWararDowladda Itoobiya oo wacad ku martay inay ka adkaaneyso Jabhadda Tigray

Dowladda Itoobiya oo wacad ku martay inay ka adkaaneyso Jabhadda Tigray

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto xoogaga fallaagada Tigreega, inkastoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ah in xabbad joojin la sameeyo. Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku jirto dagaal ay ku badbaadinayso jiritaanka waddanka, isla markaana aysan ku joojin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto xoogaga fallaagada Tigreega, inkastoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ah in xabbad joojin la sameeyo.

Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku jirto dagaal ay ku badbaadinayso jiritaanka waddanka, isla markaana aysan ku joojin doonin dacaayad shisheeye.

- Advertisement -

Waddamada Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku celceliyay baaqyada ku aaddan xabbad joojinta, iyo in wada-hadalal lagu soo afjarayo colaadda.

Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay dagaalka sii xoogeysanaya ee Itoobiya, ayna si dhaw indhaha ugu hayso xaaladda waddankaas.

- Advertisement -

Dhanka kale Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts