HomeWararMuxuu yahay ujeedka dalka loo keenay Diyaaraddo NISA ku qabatay Garoonka Muqdisho?

Muxuu yahay ujeedka dalka loo keenay Diyaaraddo NISA ku qabatay Garoonka Muqdisho?

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Garaoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku qabtay diyaarado nooca loo yaqaano Drones-ka oo tirro ahaan gaarayay Lix diyaaradood oo ku jiray Sanduuqyo xiran. Diyaaradahan oo Garoonka Aadan Cadde looga soo dejiyay xamuul ahaan ayaa waxaa sheegtay inuu leeyahay uu isaga dalka keensaday Xildhibaan Sakariye Maxamuud […]

- Advertisement -

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Garaoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku qabtay diyaarado nooca loo yaqaano Drones-ka oo tirro ahaan gaarayay Lix diyaaradood oo ku jiray Sanduuqyo xiran.

Diyaaradahan oo Garoonka Aadan Cadde looga soo dejiyay xamuul ahaan ayaa waxaa sheegtay inuu leeyahay uu isaga dalka keensaday Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsanaa Xildhibannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka uu waqtigooda dhammaaday.

- Advertisement -

Xildhibaan Sakariye Maxamuud oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde uu isaga leeyahay, isla markaana Hay’adda NISA ku eedeeyay inay si sharci darro ula wareegtay.

Waxaa uu tilmaamay Xildhibaanka in diyaaradaha uu ka keenay dalka Turkiga, ayna leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa la-dagaalanka cayayaanka iyo Beeraha, looguna tala-galay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa iyo Waraabinta Beeraha.

“Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay. Diyaaradahan ayay shirkadda Hufan ugu talo-gashay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa, Waraabinta Beeraha iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fataho” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye Maxamuud.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Xildhibaan Sakariye ayaa ka Codsaday Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA inay si deg deg ah u soo celiso hantida ay leedahay shirkadda Hufan ee diyaaradaha Drones-ka ee loogu talogalay in loogu adeego beeraleyda Soomaaliyeed.

Latest stories