HomeWararDowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay sababta ay dalka uga ceyrinayso...

Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay sababta ay dalka uga ceyrinayso Simon Mulongo

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta dalka looga ceyrinayo ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Mr Mulongo uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharciga loo igmaday ee uu dalka ku joogo, isagoo xusay in […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta dalka looga ceyrinayo ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Mr Mulongo uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharciga loo igmaday ee uu dalka ku joogo, isagoo xusay in uu horey u qabay digniin dhowr ah;, balse hadda ay Dowladda ka qaadatay go’aan cad oo ah in uu dalka uga baxo muddo todobaad ah.

- Advertisement -

“Wax ka baxsan howlihiisa gaarka ah ayuu fara la galay, waana mid ka baxsan heshiiska uu dalka ku joogay, sidaas ayaana keentay inaan dalka ka erino”. Ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida dowladda Soomaaliya aysan u ogoleyn diblomaasiyiinta inay iska sameystaan wax iyaga u gaar ah oo baal marsan heshiiska ay dalka ku joogaan, isla markaana aysan waxba u dhimeynin cilaaqaadka ay dowladdu la leedahay Ururada caalamiga ah.

“Qaranimadeena, qabkeena, iyo dowladnimadeena waxaa sharaf u ah, in Soomaalidu ugu dambeys ay iyagu mas’uul ka noqoto amnigeeda”. Ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Latest stories