HomeWararQoorqoor oo kulamo ka wada Guriceel, baaqna u diray Ahlu-sunna

Qoorqoor oo kulamo ka wada Guriceel, baaqna u diray Ahlu-sunna

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magaalada Guriceelee Gobolka Galgaduud waxaa uu ka wadaa Kulamo kala duwan oo uu la leeyhy qaybaha kala duwan ee Bulshada degmadaasi. Qoorqoor oo dhawaan gaaray magaaladaasi ayaa haatan la sheegy in saacadihii lasoo dhafay uu kulamo xasaasi la qaatay odayaasha dhaqanka degmada iyo waxgaradka guud, waxaana […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magaalada Guriceelee Gobolka Galgaduud waxaa uu ka wadaa Kulamo kala duwan oo uu la leeyhy qaybaha kala duwan ee Bulshada degmadaasi.

Qoorqoor oo dhawaan gaaray magaaladaasi ayaa haatan la sheegy in saacadihii lasoo dhafay uu kulamo xasaasi la qaatay odayaasha dhaqanka degmada iyo waxgaradka guud, waxaana la sheegay in dhammaan kulamadaasi dahaarnaayeen sidii dadka degaanku ay ula shaqayn lahaayeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa la sheegay in Qoorqoor uu ku wargaliyay Odayaasha in loo baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Sidii xoogagga Ahlu-Sunna hubka looga dhigi lahaa, waxaana sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor uu dalbaday in ay dhiibaan Xoogagga Ahlu-Sunna.

Wali waxaa socda sida wararku sheegayaan dadaalo iyo wadahallo,kuwaasi uu qaybta ugu weyn uu ka leeyhy Qoorqoor, isagoona sidoo kale kulamo gaar gaar ah wada sida wararku tilmaamayaan.

Magaalada Guriceelee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal khasaaro badan dhaliyay oo dhex-maray Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudg oo isku dhinac ah iyo xoogagga Ahlu-sunna,kuwaasi oo ugu dambeyntii laga saaray Magaalada.

- Advertisement -

Waxaa xigay safar uu madaxweynaha maamulkaasi Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor uu ku tagay Guriceel oo ah magaalo uu si weyn u saameyay dagalkii afarta maalmood qaatay, taasi oo ilaa iyi hadda uu ka wado kulamo.

Latest stories